Ethiopia oo Sheegtay Inay Gacanta Kudhigtay Warbxin……..

by ot | Sunday, Mar 30, 2014 | 570 views

May 14 (ogadentimes) Ciidamada Amaanka ee Dawlada Ethiopia ayaa sheegay inay gacanta kudhigeen saanad Military oo aad ubadan oo ay kafurteen kooxa aad uhubaysnaa oo kayimid wadanka Eritrea, Maamulka Addis ababa ayaa sheegay in kooxdani aad loosuu hubeeyay iyagoo socdaal koda k Kasoo Bilaabay Magaalada Asmara ee Caasimada Eritrea kadibna tagay Magaalada Kampala ee Caasimada wadanka Uganda ilaa ay kasoo galeen Xadka wadamada kenya iyo Ethiopia.

Ethiopia ayaa sheegatay in sirdoonkeedu lasocday dhaq dhaqaaqa kooxadani balse su,aasha iswaydinta mudan ayaa ah hadii ay kooxdani iyagoo hubaysan tageen Magaalada kampala ee Caasimada wadanka Uganda kadibna usoo gudbeen dalka Kenya ilaa ay kamadan baystii galaan koonfurta Ethiopia saw lama odhan karo waxaa wax ka ogaa wadamada Kenya iyo Uganda? siday kusuurta gashay in ciidan sidaas uhubaysani kusafro Airport yo caalamiya.

Ethiopia wax eedayn ah umaysan jeedinin wadamada Uganda iyo Kenya oo ay sheegtay in kooxahani soo mareen waxayna soo ban dhigtay Hub ayleedahay waanu ka Furanay? Warbixintan oo Markii aad ukuur gasho ay kusoo baxayso inay tahay mid been abuura ayaa waxaa ka jawaabay qaar kamida Mucaaradka oo sheegay in Dawlada dhexe ee Addis ababa cudurdaar uraadinayso sidii loo dhibaatayn lahaa dadka deeganada lasheegay in kooxdani kasoo gashay oo wada kacdoon kadhana maamulka TPLF

OTN

ogadentimes84@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response