Soomaali Lagu Maxkamadaynayo Dalka Faransiiska

by ot | Wednesday, Mar 30, 2016 | 486 views

Dhalin yaro Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay budhcad-badeednimo ayaa maxkamad lasoo taagay magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska, kuwaasoo ku eedeysan inay afduubeen markab Faransiisku leeyahay, ayna dileen mulkiilihii Markabka oo Faransiiska u dhashay, xaaskiisiina ay afduubeen.

Waxaa markii dambe haweeneyda soo badbaadiyay ciidan Spanish ah kaddib markii lagu wareejiyay doon ay budhcad-badeeddu wadatay. Raggan la tuhunsan yahay waxay mutaysan karaan xabsi daa’im haddii dambigaas lagu helo.

Shilkaasi waxaa uu dhacay sanadkii 2011 markaasoo budhcad-badeedda Soomaalidu ay meesha ugu sarreysa maraysay. Aad ayay sanidihii dambe hoos ugu dhacday taasoo ay ugu wacan tahay ilaalada maraakiibta caalamiga ah iyo joogitaanka waardiyeyaal gaar ah oo saaran maraakiibta.

Like it? Share it!

Leave A Response