Dowladda Soomaaliya oo Hal milyan oo dollar ugu deeqday abaaraha Somaliland

by ot | Sunday, Apr 3, 2016 | 759 views

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ugu deeqday lacag gaareya hal milyan oo dollar Somaliland, si wax looga qabto abaaraha ka jira deegaano ka tirsan Gobollada Somaliland.

Wafdi isugu jira odayaal dhaqameed, Culumaa’udiin, Ganacsato iyo qeybaha bulshada oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Hargeysa, waxaana hogaaminayay Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo isugu jiray Wasiiro, guddiga abaaraha Somaliland ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Hargeysa wafdigan siday lacagta gaareysa halka milyan oo dollar.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay deeqdan ay tahay mid horu dhac ah, waxaana uu meesha ka saaray in deeqdan ay wax siyaasad ku lug leedahay.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa labadaba sheegay inay garab istaagi doonaan reer Somaliland, sida ay u garab istaageen xilligii abaaraha iyo macluusha ee ka jiray Koofurta Soomaaliya sanadkii 2011.

Abaaro xoogan oo sababay dhimashada dad iyo duunyo ayaa ku dhuftay Gobolada Somaliland, waxaana Gobolka Awdal laga soo sheegay in tiro dad ah ay u dhinteen gaajo iyo haraad

Like it? Share it!

Leave A Response