Dagaal Sokeeye oo Kabilawday Dhulka Xabashida iyo Tigre ga iyo Dawlada oo Udaad Ugaraysay

by astaanta | Wednesday, Aug 31, 2016 | 524 views

Augusti 31 (Ogaden Times) Wararka  ka imaanaya degaanada Xadka ah ee ay wadaagan Qoomiyadaha Amxaarada iyo Tigre ga ayaa sheegaya in uu dagaal qoomiyada kusalaysan kabilawday degaanadani kuwaasi oo inta badan lagu bartilmameed sanayo dadka kasoo jeeda qoomiyada Tigre ga ee Itoobiya xooga kuhasata. shacaba Amxaarada ayaa waxa ay si isku mid ah uweerarayaan saraakiisha dawlada ee qoomiyada Tigre ga iyo dadka shacabka ah waxaana Magaalada Gondar iyo nawaaxigeeda lagu dilay dad badan oo,udhashay qoomiyada tigre ga.

Halkan Kadaawo Ciidamada Amaanka oo Rasaas Nool Nool Ladhacay Dadka dibadbaxaya iyo dhiiga oo qulqulay

Xisbiga TPLF ee xukunka Haysta ayaa markale ku edeeyay Dibad baxyada kadhacay Amxaarada inuu kadanbeeyo xisbiga ay bahwadaaga yihiin ee ANDM, dhanka kale Maamulka Kililka Xabashida ayaa maalinkii shalay ahaa ciidamada Military ga qayla dhaan udirsaday kadib markii ay waxa Police Federal ka looyaqaano wax kaqaban wayeen Rabshada kadhacay Guud ahaanba Gobalka Xabashida.

Dawlada ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay kooxaha abaabulayay dibad baxyada iyadoo warbaahinta madaxa baanaan sheegtay in kumanaan qoff xabsiyada ladhigay, waxaa laburburiyay xafiisyada dawlada halka qaar labililiqaystay kuwa kalana dab laqabad siiyay.Sidoole Ciidamada amaanka ee Maamulka Addis ababa ayaa sheegay inay kala caydhiyeen dibad baxyada balse waxaa cad in xoog iyo awood naxariis dara ah loo isticmaalay dibad baxayaasha. xaalada Itoobiya ayaa ah mid aan raja wanaagsan lahayn marka aad Fiiriso sida wax usocdaan.

Like it? Share it!

Leave A Response