Israel oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay Usafraan Itoobiya

by astaanta | Thursday, Sep 1, 2016 | 494 views

Sep. 1 (Ogaden Times) Maamulka Yuhuuda ee  Israel ayaa digniin ujeediyay muwaadininteedu inay socdaal kutagan dalka Itoobiya, warsaxafadeed kasoo baxay wasaarada Arimaha dibada Israel Maanta oo khamiis ah ayaa lagu sheegay in iskudhacya udhaxeeya dadwaynaha Reer Itoobiya iyo ciidamada amaanka ee dalkaasi yihiin kuwa sababi kara in xaladu sii xumaato, goobaha sida gaarka ah looga digay dadka Yuhuuda ah ayaa waxaa kamida Gobalada Amxaarada iyo Oramiya  oo sida warbixinta lagu sheegay ay kudhinteen boqolaal shacaba.

Israel ayaa sheegtay in xaalad degdega lagaliyay dalka Itoobiya maalinimadii shalay ahayd Gaar ahaan Gobalka Xabashida ee Itoobiya, Wasarada Arimaha dibada ee Israel ayaa dadka Yuhuuda ah ka codsatay inay kadhawrsadaan socdaal ay kutagaan Itoobiya Islamar ahaan taana ugu baaqday Muwadiniintteeda Inay isaga soo baxaan Guud ahaan dalka Itooiya

Like it? Share it!

Leave A Response