Raysal Wasaraha Dalka Itoobiya oo Wacad Kumaray Inuu Xasuuqi Doono Dibad Baxayaasha iyo Wadanka oo Lagaliyay

by astaanta | Thursday, Sep 1, 2016 | 638 views

Sep. 1 (Ogaden Times) Boqolal shcaba ayaa lagu dilay Gobalka Amxaarada taniyo Sabtidii lasoo dhaafay kadib marii uu dibad baxa kasocda Gobalka xabashidu isubadalay dagaal gacan kahadala, banana baxyada lagu diidan yahay maamulka TPLF ayaa sixoogaysanaya sida ay sheegtay idaacada VOA da qaybta Amxaariga, ciidamada amaanka ee dalka Itoobiya ayaa toogasha kudilay maalin kii shalay Tira dad shacaba degaana kamid dhulka xabashida ee qala laasuhu kasoconayo.

Warsida Addisstandard ee dalka Itoobiya ayaa tabiyay in xaalada amaan ee gobaladi tahay mid Faraha kabaxday iyadoo ciidamada nabad sugidu rasaas nool nool ladhacayaan dadka dibad baxaya, Goobaha uu kacdoonku kuxoogan yahay aya lagu sheegay Magaaloyinka Bahar Dar iyo Gondar iyadoo bara bulshada lagu baahiyay muqaalo laga duubay Gabood falada ay ciidamada amaanka ee dalka Ioobiya kubartilmaameed sanayaan dadka dibad baxaya, qiiq madow ayaa qabsaday hawada saree e Magalooyinka Bahar dar iyo Gondar waxaana isbuucan oo kaliya inta la ogyahay Gobalka Amxaarada lagudilay dad kor udhaafaya 50 qof oo shacaba

Raysal Wasaraha Dalka Itoobiya Hayle Maryam Desalegn ayaa khud bad uu kajeediyay Television ka qaranka kusheegay inuu Amar kubixiyay in ciidamada Military ga Ethiopia Faragalin kusameyaan rabshadaha kadhacaya dalka Itoobiya. Sibuu yidhi loo xakameeyo qul qulatooyinka iyo rabshada asocda Gobaladani. Raysal Wasare Hayle Maryam ayaa sheegay in Xoogag shisheeye oo,uu caadaw kutilmaamay ay dabada kariixayaan dibad baxyada kasocda dalkiisa, waxa uuna wacad kumaray in sharciga iyo kala danbaynta sidegdega losoo celin doono.

Hanjabaada Raysal Wasaraha dalka ayaa ah mid xaalada uga sii dari doonta, waxaana markan muuqata in xoog lagu muquunin doono dadka kacabanaya cadaalad darada jirta iyo nidaamka Gaamuray ee TPLF, Afhayeen uhadlay maamulka kililka Amxaarada ayaa qiray in khasaare xooglehi soo gadhaaya dadka shacaba ah wuxuuna dalbaday in dawlada dhexe soo Faragaliso dibad baxyada kasocda Gobalka Xabashida oo ah kuwa, gobalka Amxaarada ayaa loo qaybiyay 5 waxood waxaana gabi ahaanba lawareegay Military ga dalka, iyadoo baraha bulshada lagu arkayo gadiidka dagaalka ee loo daad Guraynayo dhulka xabashida.

Waxaa hawada laga saaray isgaadhsiinta iyadoo Gobalka wayna adagtahay in xog rasmiya laga helo dhulka uu hardanku kasocdo.

Madaxwaynaha Gobalka Tigre ga Abay Wolde ayaa baaq coladeed udiray dhalin yarada Gobalka Tigre ga isagoo sheegay in wakhti adag lagu jiro loona baahan yahay in siwada jira looga hortago wax uu kusheegay kooxa doonaya inay soo celiyaan xukunii Dawladii Derg ga.

Ciidamada Military ga ee dalka ayaa lasheegay inay kubiirayan dadka dibad baxaya waana khatar ta ugu badan ee dalka soo wajahday, ugu yaraan 100 Askari ayaa maalin tii shalay ahayd oo kaliya isu dhiibay dibad baxa yaasha waxaana sii badanaya kala shakiga iyo dagaalka qoomiyadaha kusalaysan oo saamayn xoogle kuyeeshay Military ga iyo dhamaanba haya,ada hawlada dhexe

Like it? Share it!

Leave A Response