Kililka Tigre ga ee Itoobiya Xukuma oo Qayla Dhaan Kasoo Saaray

by astaanta | Monday, Sep 5, 2016 | 631 views

Septembar 5 (Ogaden Times) Maamulka Kililka Tigree ga ee Itoobiya xooga kuhaysta ayaa markii ugu horaysay war saxafaded kasoo saaray kumanaan qof oo qoomiyada Tigre ga udhashay oo isaga cararay Gobalka Xabashida ee Itoobiya balse dawlada kililka Tigre gu sheegtay in lagasoo masaafuriyay.Magaalada Gondar ee muranu kataagan yahay.Shir jaraa,id oo ay qabteen Madaxda Maamulka Tigre ga ayay kusheegen in dad gaadhaya 4060 qof oo Tigre ah ay hada qaxooti kuyihiin Gobalkooda.Kililka Tigre ga ayaa sheegay in dawladu gacanta kuhayso dadka soo baraacay iyadoo hada laga sameeyay xarumo kumeel gaadha oo lagu quudiyo iyo degaano ayy kunolaadan Magaalooyinka Humera,Endasilasse , Axum, iyo Makela.dadka soo qaxay ayaa lasheegay in qaarkood ay Gobalka xabashida Gaar ahaan magaalad Gondar kunolayeen ugu yaraan 40 ilaa iyo 30 sano,

Halkan Kadhagayso Wararkii Ugu Danbeeyay ee Itoobiya iyo Waxyaabaha Warbaahinta Caalamku Kaqortay

Talaabadan lagusoo saaray bulshada Tigre ga e Gobalka Amxaarada kunoolayd waa mid isir sifayn ah, waana qorshe salka kuhaya dagaal ahliya iyo siyaasad mana aha mid loo dulqaadan karo ayaa kamid ahaa hadalada saraakiisha TPLF. Dadka soo qaxay ayaa qaarkamida lasheegay inay ganacsato ahaayen islamar ahaantaana hantidoodi laboobay.Sidookale dadka soo cararay ayay dawlada kililka Tigre gu shegeen inay kamid yihiin saraakiil iyo shaqaale ushaqay nayay dawlada dhexe, maamulka TPLF ayaa sheegay in ladiwaan galinayo dadka hantida laga boobay iyadoo sida hadalkooda kamuuqatay ay magdhaw hantiyeen waydin doonan maamulka xabashida  oo kooxda TPLF ku edaysay rabshdaha dhacay.

Wali Waxaa dhulka xabashida ku go,odoonsan boqolaal Tigre ah oo xaladooda amaan kahatar kujirto, waxaana isku dayi doona inaan gacan kagaysano sidii loo bahbaadin lahaa dadka shacabka ah ee weerarka nacaybka iyo isir sifaynta ah lagu sooqaaday ayaa kamid sarkaalka qabtay shirka Jaraa,id, laba maalin kahor ayay xadka wadamada Itoobiya iyo Sudan ka gudbeen qaxooti Tigree ah oo tiradooda lagu sheegay inkabadan 1500 oo ruux, balse ay dawlada Sudan dib ugu celisay Gobalka Tigre ga, Hay,ada UNCHR ayaa gacan kagaystay hawlaha dib logu celiyay qaxootiga Tigre ga ah, iyadoo uu maamulka TPLF siwayn ugu mahad celiyay madaxwaynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al.bashiir iyo dawladiisa.

Hadaba shirka jaraa,id ee masuuliyiinta Gobalka Tigre ga ayaa daaha karogay khilaafa ba,an ee udhaxeeya kooxda TPLF iyadoo masuuliyiinta gobalku kubaqeen in meel layska dhigo kala aragti duwanan shaha iyo looltanka siyaasadeed ee udhaxeeya siyaasiyiinta TPLF islamar ahaan taana meel looga soo wada jeedsado sidii loomidayn lahaa dadka qoomiyada Tigre udhashay.

Like it? Share it!

Leave A Response