Madaxwayne Cabdi Iley oo Malaayiin Lacaga Ugu deeqay Tigree ga Qaxootiga ah

by astaanta | Monday, Sep 5, 2016 | 493 views

Septembar 5 (Ogaden Times) Madaxwaynaha Maamulka kililka Cabdi Iley ayaa sheegay inuu Malaayiin Lacaga Ugu deeqi doono dadka kubara kacay dagaalada udhaxeeya qoomiyadaha Amxaarada iyo Tigree ga Gaar ahaan qoomiyada Tigre ga Cabdi Iley oo ah nin inta badan iska dhaadhiciya Maamulka TPLF ayaa umuuqda nin aan waxba dan kalahayn iyadoo sida ay wararku sheegayaan Lacagta loogu deeqay Qaxootiga Tigre ga oo cadad keeda lagu sheegay 10 Million oo biroo lacagta Itoobiya laga soo Uruurin doono dadka shacabka ah ee somalida Ogaden.

Cabdi iley waxa uu amar kubixiyay in waxgaradka Gacankusamays ka ah ee Maamulkiisa Tageera ay hormuud unoqdan Malaayiin Lacaga oo dadka shacabka ah sixooga lagaga soo uruurin doono iyadoo looqay binayo Tigre ga, Nin aduunya Jogoow Maxaa Aragti Kubaalan, Somali Gaajo iyo darxumo Laysay Lacagta Laga uruuriyo waxaa loogu deeqi doona dhiig Miiratada Tigree ga ah.

Waxaan Wali daba gal kuhaynaa aabka lacagahan losoo xarayn doono waxaase Hubaal ah in dadka qurba joogta ah Telephono badan losoo diri doono oo inta ehelkoodu qurba joogta yahay lagu amri doono inay soo bixiyaan Lacagta baada ah ee TPLF loogu deeqayo

Like it? Share it!

Leave A Response