Military ga Dalka Itoobiya oo Khilaaf Sookala Dhexgalay iyo Kumanaan Mucaaradka Kubiiray

by astaanta | Monday, Sep 5, 2016 | 1054 views

Septembar 5(Ogaden Times) Inkabadan 450 katirsan Ciidamada Military ga ee dalka Itoobiya ayaa kubiiray kacdoonka looga soo horjeedo dawlada dhexe ee Itoobiya gaar ahaan kooxda TPLF ee xukunka dalka xooga kuhaysata, ciidamadan oo muqaalkooda laga siidayay Television ka ESAT ee mucaaradka ayaa la,arkayay iyagoo sita gadiidka dagaalka ee dawlada sidookalana wadooyinka lamaraya iyagoo ruxaya calankii hore ee Itoobiya.

Halkan Kadaawo Muqaalka Laga duubay Military ga Falagoobay

Xaalada amaan ee dala Itoobiya ayaa faraha kabaxday waxaana jirta cabsidii aad uxoogbadan Raysal Wasaraha dalka Itoobiya ayaa Mar ubixiyay in laxasuuqo dadka shacabka ah waxaana hawada laga saaray dhamaanba isgaadhiisn gobalka Xabashida ee Itoobiya halka wadanka intiisa kale hoos loodhigay.

Talaada ay qadeen ciidamada Military ga ee qoomiyada Xabashida ayaa ah mid walaac xoogle kubeertay Maamulka dhexe ee Addis ababa waxaana aad looga cabsiqabaa in Waxa looqayaano ciidamada Difaaca qarana ee Itoobiya Lagu kaladhaqaaqo

Like it? Share it!

Leave A Response