Safaradaha Itoobiya Kuleedahay Wamada Reer Galbeedka oo Qarka Usaaran In Alabaabada Loolaabo

by astaanta | Friday, Sep 9, 2016 | 479 views

Sep. 9 (Ogaden Times) Qurba joogta udhalatay wadanka Itoobiya ayaa weerar saflabaadhana kuqaaday Safaaradaha dawlada Itoobiya kuleedahay wadamada Reer Galbeedka iyadoo 24 kii saac ee ugu danbeeyay ay dadwayne cadhaysan xoog kugaleen Safaaradaha wadamada Britain, Sweden iyo Maraykan ka ee Itoobiya. Muqaalo laga siidayay warbaahinta ayaa la arkayay kooxa Itoobiyan ah oo xoog kula wareegay Safaaradaha Itoobiya ee wadamadani. islamar ahaan taana dhulka dhigay calanka kooxda TPLF oo ay kubadaleen kii dawladii Derg ga.

Halkan Kadaawo Muqaaladii Ugu Danbeeyay ee Laga duubay

Dadka ku kacsan dawlada dhexe ee Itoobiya Ayaan ku koob nayn oo kaliya gudaha dalka iyadoo qurbajoogta reer Itoobiya siwayn uga qayb qaadanayaan qorshaha lagu doonayo in meesha lagu dhaafiyo TPLF,

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta ee dawlada Itoobiya Getachaw Reda ayaa beeniyay in Ciidamada amaanka ee dalkiisu dileen dad Gaadhaya 600 oo dibad baxayaaal ah waxa uuna sheegay in tirade dadka dhintay intaas aad uga hay tahay isagoo sidookale sheegay in kuwa dhintay ahaayeen koox qaswadayaal ah oo sharciga iyo dastuurka dalka Ku xadgubday, Mr Reda oo lawaydiyay waxa ay dawladiisu kayeli doonto dibad baxyada sii socda iyo Inay wada xajood layeelanayaan ayaa kujawaabay waxaanu diyaar unahay inaanu lahadalo cid walba oo diyaar u,ah in xal laga gaadho qalalaasaha iyo dhibaatada kataagan wadanka Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response