Abay Tsahay Itoobiya Way Burburaysa, Waxaana Kadhici Doona Xasuuq Aan Laxakamayn Karin..

by astaanta | Sunday, Sep 11, 2016 | 587 views

September 11 (Ogaden Times) Abay Tsahay oo kamid ah aas aasayaasha ururka Tigrey ee TPLF isla markaana ka tirsan kooxda xukunka maroorsatay ayaa  ku hanjabay haddii ay TPLF xukunka laga tuuro in aysan wax Itoobiya la yidhaahdo jiraynin.Waraysi uu TV-ga Itoobiya layeeshay Abay Tsahay ayuu ku sheegay dad badan ayaa sheegaya in ay Itoobiya noqon doonto sidii Rwanda oo kale , laakiin Itoobiya way ka darraan doontaa Rwanda sasbabta oo ah Rwanda waxay ahaayeen uun laba Qawmiyadood Hutus & Tutsis oo la xakamayn karay haddii sifiican looga hawl gali lahaa.

  Halkan Kadaawo Waraysi uu Siiyay Television ka Qaranka ee Itoobiya

Waxa uu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata Itoobiya waxaa ka jira in kabadan 80 qawmiyadood marka haddii uu dagaal qawmiyadeed ka bilaabmo Itoobiya, xasuuq ba’an ayaa ka dhici kara oo aan la xakamayn karin dawlad TPLF kadib in aysan dawlad Itoobiya la yidhaadaa jiri doonin.

Hadalka uu Kula dhiiraday Warbaahinta Mr Abay Tsahay ayaa dhaliyay dareen horle iyo sida kooxda TPLF looga itaal roonaday iyadoo warar Madax banaan ay sheegayaan in qaar kamida Siyaasiyiinta Gobalka TTigre ga ee Xisbiga TPLF dadaal ugu jiraan sidii ay Gobalkooda Madaxbanaani Ugu dhawaaqi lahaayeen Inta Goori Goortahay ee aysan tala Fara kahaadin

 

Like it? Share it!

Leave A Response