Xildhibaano Katirsan Golaha Congress ka Maraykan ka oo Codsaday In Madaxwaynaha Djibouti Shirka UN Loodido

by astaanta | Thursday, Sep 15, 2016 | 915 views

September 15 (Ogaden Times) Xildhibaano katirsan Golaha Congress ka Maraykan ka ayaa codsaday in Madaxwaynaha dalka Djboiti ismaciil Cumar Geele dawlada Maraykan ku udiido Inuu kasoo qayb galo shirka Wadamada aduunka ugu Furmaya Xarunta Qaramada Midoobay ee Newyork.kadib markii ay dawladiisu kuguul daraysatay ina xidho Madaxwaynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay doon doonaysay Maxkamada danbiyada dagaalka ee ICC da looqayaano. xubnahan ayaa laba jeer warqad qoraal ah ugud biyay xoghayaha Arimaha dibada ee dawlada Maraykan ka John Kerry iyagoo kadabaday Inuu Talaabada Degdega kaqaado wadanka Djibouti.

 Halkan Kadaawo Muqaalka Gudoomiyaha Xisbiga MRD Mudane Daahir Faarax oo Kaqayb Galay

Dhanka kale Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in aysan wax loo dulqaadan karo ahayn tacadiyada iyo kalitalis nimada madaxwaynaha dalka Djibouti Ismaciil Cumar Geele oo noqday kaligii taliye arxan laa wa ah islamar ahaan taana talada dalka xoog kuhaysta.

Maraykan ka ayaa sheegay in Madaxwayne Geele uu kabaxay heshiis uu dawlada Maraykan ka lagalay isagoo horay ubalan qaaday inuu ushaqaynayo sidii isagoo wakiil ka ah maamulka Washington balse uu balan qaadkaasi jabiyay waana sababta saldhiga ciidan Maraykan ku uga samaystay wadanka Djibouti.Warbixi dheer oo lagu daaacay Warsidaha africabriefing ayaa umuuqatay in kalsoonida Maraykan ku kuqab0 Ismaciil Cumar Geele dhimatay, iyadoo ugu danbayntii Xubnaha Golaha Congress ka Maraykan ku soo jeediyeen in latageero dimuqraadiyada iyo cadaalada dalka Djibouti Taasi oo kadhigan in Ismaciil Cumar Geele Meesha ladhaafin doono.

 

Like it? Share it!

Leave A Response