Midowga Afrika oo Sheegay in Kacdoonka Shacbiga Itoobiya uu isku Bedeli Doono Dagaal Sokeeye

by astaanta | Wednesday, Sep 21, 2016 | 475 views

sep.21 (Ogaden Times) Ururka Midowga Afrika ayaa markii ugu horraysay war walaac muujinaya kasoo saaray kacdoonka shacbiga ee kasii holcaya wadanka Itoobiya.Warsaxaafadeed kasoo baxay guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in kacdoonka ka socda Itoobiya uu gallaaftay nolosha boqolaal qof islamarkaana uu qarka usaaranyahay in uu isku bedelo dagaal sokoeeye.

Nkosazana Dlamini Zuma oo ah madaxa Midowga Afrika ayaa war ay kasoo saartay xafiiskeeda magaalada Addis waxay ku tiri “dhammaan dhinacyada isku haya wadanka Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in khilaafka ay ku xalliyaan wadahadal iyo midnimo, waa in aan lakala daadin dowladnimada Itoobiya”.

Halkan Kadhagayso Raysal Wasaraha Itoobiya oo Wadamada Reer Galbeedka Ku edeeyay

 Midowga Afrika wuxuu sheegay in waxa ka socda wadanka Itoobiya ay noqdeen wax aan laqarin Karin waxayna beesha caalamka ugu baaqeen in ay si mas’uuliyad leh usoo farageliyaan.

“Midowga Afrika walaac daran ayuu ka muujinayaa waxa ka taagan saaxada Itoobiya iyo dhiigga daadanaya, dibad baxyada socda waxay gallaafteen nolosha boqolaal qof waxayna sababeen in ay go’aan isgaarsiintii bulshada”ayaa lasii raaciyay warka kasoo baxay Ururka AU.

Xukuumadda Itoobiya ayaa iyana qirtay in wadankeedu wajahayo xaalad liidata oo dhanka ammaanka ah iyadoo kooxo ay ku sheegtay Argagaxiso qaswadayaal ah ku eedaysa dhibaatada taagan.

Like it? Share it!

Leave A Response