Hadii aad Reer Djibouti Tahay Passport Kagana Lagu Arko Visaha Maraykan ka Danbiile Ayaa Tahay Warbixin Layaable….

by astaanta | Sunday, Oct 9, 2016 | 4372 views

Octobar .9 (Ogaden Times)  Dawlada Djibouti ayaa Xabsiga Dhigtay Muwaadiniin Udhashay dalkeeda Kuwaasi oo Sida aanu Warar Xog ogaala Kuhelay Socdaal dalxiiis wadanka Maraykan ka ugu Safrayay, Saraashiisa Axsaabta mucaaradka oo Lasoo xidhiidhay Shabakada Wararka eee Ogaden Times ayaa xaqiijiyay Talaabada dawlada Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele Kucabudhinayso dadka shacabka ah. iyadoo sababtuna ay tahay xidhiidhka wadamada Maraykan ka iyo Maamulka Ismaciil Cumar Geele oo Gaadhay Meeshi abid Ugu hosaysay.

Hadii Passport kaga Lagu arko Visaha dal Kugalka Maraykan ka waxaa hadal la,aan lagu dhigayaa xabsiga sidaasi waxaa yidhi muwaadin udhashay dalka Djibouti oo Magaciisa kagaabsaday, Madaxwaynaha Wadanka Djibouti ayaa amar kubixiyay In ciidamada Ilaalada xuduudaha dalka Djibouti la´adkeeyo sifa aysan usuurta galin in muwaadiniinta dalka Djibouti ee Maraykan ka usocdaalaya aysan uga kadhoofin wadamada Dariska ah.

Sidookale Saraakiisha amaanka ee dalka Djibouti ayaa xaqiijiyay Amarka madaxwayne Geele Kudoonayo in lagu xakameeyo dadka doonaya inay udhoofan wadamada Reer Galbeedka iyadootasi abuurtay shaki xoog badan iyo casbi dawlada Djibouti kaqabto inay kawarbixiyan Tacadiyada io dulmiga uu maamulkiisu kuhayo bulshada reer Djibouti.

Hassan Xareed oo kamida siyaasiyiinta axsaabta Mucaaradka ayaa wakaalada wararka ee Ogaden Times uxaqiijiyay in ciidamada Danbi Baadhista dalka Djibouti  ee SDS da looqayaabo Airport ka magaalada djibouti kuxidheen 2 muwaadin oo Djibouti ah kuwaasi oo sida muuqata waxa kaliya ee lagu haysto yahay Visaha dal Kugalka Maraykan ka oo Paasport kooda lagu arkay, iyadoo markii danbe loo dhaadhiciyay Saldhiga Police ka Magaalada Djibouti ee Nagad Halka Muwaadin kale oo isna haystay Visaha Dalku galka Maraykan ka lagu xidhay xadka wadamada Itoobiya iyo Djibouti.

Madaxwaynaha dalka Djibouti ayaa lasheegay inuu qorshaynayo sidii uu,uga xidhiidh Furan lahaa wadamada reer Galbeedka isaga oo dhinaca saaraya wadanka China, oo dhawaan saldhig Military kasamaystay xeebaha dalkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response