Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele oo Shirqool iyo Dil Yurub Kafulinaya Sababtu Waa Maxay

by astaanta | Tuesday, Oct 11, 2016 | 2593 views

Octobar.11 (Ogaden Times) War xasaasiya oo ay Heshay Shabakada Wararka ee Ogaden Times ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Wadanka Djibouti Ismaciil Cumar Geele Diyaarinayo Dilal Qorshaysan oo Sirdoonka Djibouti oo adeegsanaya ajaanib Lacag Lasiiyay Laga Fulin doono Wadamada Yurub. Ismaciil Cumar Geele ayaa qorshahani kubixinaya Malaayiin Dollar oo Lacaga siloo Fududeeyo dilalka qorshaysan. Cali Cabdullahi Iftin oo ahaan jiray Ninkii Haystay Amaanka Ilaalada Madaxatooyada Djibouti Xiligii Madaxwayne Xasan Guleed Abti Doon Hadana Kunool wadanka Belguim ayaa sheegay in qorshaha Madaxwayne Geele Yahay In uu Saraakiisha Axsaabta Mucaaradka ku ogaadhsado wadama Reer Galbeedka Siloo aamusiiyo dadka aan ladhacsanayn siyaasada kali Talisnimada ah ee, uu dalka Kuhagayo.

Cali Abdullahi Iftim waxaa adeer u,ah Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele wuxuuna wadanka Masaafuris kaga maqan yahay mudo kudhaw 18 sano, Hadaba sida aan xogta Kuhelay Saraakiil Katirsan Sirdoonka Midawga Yurub ayaa digniin kama dambaysa iyo inay Feejignaadan siiyay siyaasiyiinta Axsaabta Mucaaradka ee dalka Djibouti ee Qarada Yurub Kunool. Sarkaalkan ayaa sheegay In Dhawaan uu Iskuday dil kabad baaday Mohamed Salah oo kamida Siyaasiyiinta Mucaaradka ee dalka Djibouti, Xiligana Kunool wadanka Yemen, Wuxuuna Hadalkiisa kudaray in Dawlada Yamen ay iyada utaalo waxa ay kayeelayso Falkan lagu khaarajinayo Maxamed Saalax. Ali Abdullahi oo hadalkisa siiwata ayaa yidhi Madaxwayne Geele Wuxuu Awoodi La,ayahay inuu Acmaasha Xajka Soo Guto Marwalbana wuxuu kumashquulsan yahay Faldanbiyeen waana nin ilaaway Akhiro iyo Islaanimaba

Dhanka kale Hassan Hared oo kamida Saraakisha Axsaabta Mucaaradka oo xiligani kunool wadanka Swizerland ayaa noo xaqiijiyay in Madaxwayne Geele Kuhawlan yahay sidii uu Faldanbiyeedyo uga gaysan lahaa wadamada Reer galbeedka inkasta oo sirdoonka Wadamada Reer Galbeedku yihiin kuwa laga helay xogaha Rasmiga ah iyo shirqoolka uu diyaarinayo Ismaciil Cumar Geele

Iskusoo wada duubo waxaan wali daba soconaa  qaabka Madaxwayne Geele udoonayo inuu uweeraro saraakiisha Mucaaradka ee Qarada Yurub kunool iyadoo uu dhanka kalana dulqaadku kasii dhamaanayo shacabka dalka Djibouti oo khaati kataagan xukunka Kalitaliska ah Ismaciil Cumar Geele

Like it? Share it!

Leave A Response