Puntland oo Soo Bandhigtay Saraakiil Katirsan Haya´ada nabad Sugida oo Qayb Ka´aha Warxasaasiya

by astaanta | Wednesday, Oct 12, 2016 | 280 views

Octobar.12 (Ogaden Times) Maamulka Puntland ayaa Soo Bandhigay Muqaalka Saraakiil Katirsan Sida aya sheegatahay Hay´ada Sirdoonka ee Somaliya Kuwaasi oo lagau qabtay Dagaalkii Todobaadkan dhexmaray Maamulada Galmudug iyo Puntland. Saraakiishan oo qirtay inay kamid yihiin ciidanka Xooga dalka Somaliya ayaa sheegay in Galmudug loo keenay sidii ay uga qayb qaadan lahayeen dagaalka udhaxeeya labada maamul iyag oo Tageeraya Dhanka Galmudug.

Halkan Kadaawo Muqaalka uu Maamulka Puntland baahiyay iyo Qirashada Saraakiishan

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa sheegay in dawlada dhexe ee Somaliya qayb katahay dagaalada udhaxeeya dhinacyada Kudagaalamaya Gobalka Mudug isagoo sitoosa uyidhi waxaa nasoo weeraray Dawlada dhexe ee Somaliya. Majirto cid xaqiijin Karta Muqaalka uu soo Bandhigay Maamulka Puntland marka laga reebo maxaabiista ay hayaan oo iyagu sheegaya jiritaanka warkani

Like it? Share it!

Leave A Response