Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Wadanka Djibouti Xasan Sheekh oo Waraysi Dheer Siiyay

by astaanta | Monday, Oct 17, 2016 | 315 views

Octobar 17 (Ogaden Times) Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqradiga ee Wadanka Djibouti Mudane Xasan Sheekh ayaa warysi Dheer oo,uu siiyay shabakada Wararka ee Ogaden Times Kaga Waramay  Xaalada Dalka Djibouti iyo dhibaatooyinka uu Shacabka dalkaasi Kuhayo Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele oo noqday Kaligii Taliye xoog kuhaysta Xukunka dalka Djibouti. Xasan Sheekh oo Kamida Siyaasiyiinta Ugu  Cadcad Axsaabta Siyaasad Xiligan lajoogana Kunool Wadaka Swizeraland ayaa kawaramay Arima Faraban oo Geeska Africa Khuseeya Gaar ahaan wadankiisa Djibouti, Waxa uunan Farta kufiiqay sida Madaxwayne Geele Talada dalka Umaroorsaday iyadoo Inta Badan Axsaaba Siyaasdaa ee dalka Djibouti noqdeen kuwa dibad joog ah kadib markii loo diiday inay sixora uga hadlaan arimaha siyaasda ee dalkaasi.

Xasan sheekh ayaa waxa uu Sidookale kahadlay in Wadanka Djibouti uu Madaxawayne Geele Kadhigay Sida Maamul Gobaleed yada Wadanka Somaliya isagoo sitoosa Uhoos Geeyay dawlada Itoobiya ,oo sida uu sheegay uu Ismaciil Cumar Geele doonayo Inay xukunka Kusii Hayso.  Mudane Xasan Waxa uu kawar bixiyay xidhiidhka Wadamada Reer Galbeedka iyo Djibouti oo God Kusii dhacaya iyo in Ismaciil Cumar Geele noqday nin kafikiraya oo kaliya daniiisa Shaqsiyadeed.

Filo Saacadaha Soosocda Waraysi Dheer oo maqal ah iyo Mudane Xasan Sheekh oo Dhulka Kujiiday Madaxwaynaha Djibouti

Like it? Share it!

Leave A Response