Tageerayaasha Cabdi Iley ee Sweden oo Jigjiga Looga Yeedhay iyo Sababta

by astaanta | Wednesday, Oct 19, 2016 | 377 views

Octobar 19 (Ogaden Times) Madaxwaynaha Maamulka Kililka Abdi iley ayaa sideg Dega Ugu yeedhay Kooxda Isaga Sii Hoos Joogta ee Wadanka Sweden kuwaasi oo sida ay shabakada Wararka ee Ogaden Times Warar Rasmiya Kuheshay Lagala Xisaabtami doona Sababta uu Nuur Caraale ubaxsaday, Kooxdan oo Kuwajahan Isbuucan magaalada Jigjiga ayaa Amar Lagusiiyay Inay si dhakhsa ah ku imadan Gobalka iyadoo wararku sheegayaan in Cabdi iley Cadha Xoogan kaqaaday Jaaliyadiisa Sweden oo Fanaankii Labaad Daadka Raacisay.

Halkan Kadaawo Muqaalka Kooxda Ina Iley oo Moralka Kudhisanaya

Cabdi Iley ayaa lasheegay inuu kooxdan ugu Hanjabay in uu Talaaba  kaqaadi doono eheladooda iyadoo ninkii Jigjiga Laga waayo Xabsiga loo Taxaabi doono cida ugu dhaw ee Gobalka kunool, Waxaad dhiibteen Cali Dhaanto, Maantana waxaad Markale dhiibteen Nuur Caraale idinka ayaana idinkula xisaabtami ayaa kamid ahaa Hadalada Cabdi iley.

Nuur Caraale ayaa Iska Dhibay Wadanka Jarmalka inkasta oo anaan wali Xog Rasmiya Kahelin iyadoo wararka qaar sheegayan inuu Sweden Iskadhiibay

Like it? Share it!

Leave A Response