Ciidamada Itoobiya oo Goobihii ay Kabaxeen Kuwareejiyay Alshabaab…

by astaanta | Thursday, Oct 27, 2016 | 316 views

Octobar 27 (Ogaden Times)  Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya loogu yeedho ee Sida Sharci Darada ah kujoogay wadanka Somaliya ayaa isaga baxay dalkaasi kadib markii wasaarada Difaaca e dawlada Itoobiya Sheegtay Inaysan Suurta gal ahayn siijoogi taanka ciidamada Itoobiya ee Somaliya xaalad dhaqaale awgeed. Ciidamadan oo kabaxay qayba kamid Koonfur bari Somaliya iyo Gobalada dhexe ee dalka ayaa sida ila xog ogaalihi warbaahinta uxaqiijiyeen kuwareejiyay Maleeshiyada ururka Alshabaab oo xidhiidh Hoose kala dhaxeeyo dawlada dhexe ee Wadanka Itoobiya

Halkan Kadaawo Wasiirka warfaafinta Itoobiya oo Beeniyay in Dhibatada Dalkiisa Kajirata ay Sabab utahay

Wasiirka Warfaafinta wadanka Itoobiya oo Warfidiyeenada lahadlayay ayaa sheegay in kabixitaanka Ciidamada Military ga dalkiisu aysan xidhiidh lalahayn dhibaatada xoogale ee kajirta wadanka Itoobiya, dhanka kale maleeshiyada Alshabaab ayaa dad shacaba kulaayay goobihii ay kabaxeen kuwaasi oo sida lasheegay xidhiidh lalahaa ciidamada Military ga Itoobiya,

Like it? Share it!

Leave A Response