Daawo Waraysi Mudane Mustafe Cagjar oo VOA da Uga Waramay Dilkii Marxuum Faysal

by astaanta | Wednesday, Nov 2, 2016 | 511 views

Novembar 2 (Ogaden Times) Mudane Mustafe Cagjar ayaa Laanta afka Somaliga ee VOA da uga waramay dilka walalkii Marxuum Faysal Cagjar oo Dhawaan Maamulka kililku kudilay gudaha gobalka Ogaden, Faysal oo kamida shaqaalaha Haya,ada Gargaarka ee UN ta ayaa sheegay in dilka walalkii Marxuum Faysal uu laxidhiidho aragtidiisa shaqsi iyo qoraala uu kubaahiyay Boga Internet ka kuwaasi oo,uu kaga hadlyay cadaalad xumada iyo dhibaatada haysata shacabka Somaliyeed uu kuhoos nool dawlada Itoobiya.

Halkan Kadaawo Waraysiga Mustafe Cagjar uu Kagahadlay Dilka Marxuum Faysal 

Warar ay shabakada Wararka ee Ogaden Times kaheshay dilka Marxuumka aya sheegay in Markii laga qaaday Marxuum Faysal Magaalada dhagaxbuur Jidhdil lagaga bilaabay magalada dhagaxbuur ilaa iyo intii ay naftu kabaxaysayna lajidh dilayay iyado dilka Marxuumka loo adeegsaday silig cunaha loo galiyay iyo garaacitaan xad dhaafa ugu danbayntiina qadaadka dhulka loogu dhuftay sidaasna uu kunaf wayay.

Amarka lagu dilay Marxuum Faysal ayaa waxaa Ubixiyay Madaxwaynaha Kililka Cabdi Iley oo ka cadhooday Afkaarta uu Mustafa Cagjar kuqoray bogiisa facebook

Like it? Share it!

Leave A Response