Urur Cusub oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Stockholm Ee Wadanka Sweden….

by astaanta | Monday, Nov 7, 2016 | 1131 views

Novembar 7 (Ogaden Times) Magaalada Stockholm ee Caasimada  wadanka Sweden ayaa Maata oo Taariikhdu Tahay 7 Bisha Novembar lagaga dhawaaqay Urur Cusub Kaasi oo Kashaqayn doona sidii Bulshada kudhaqan Deeganka Somalida loogu midayn lahaa afkaarta Islamar ahaanta Meel lloga soo wada Jeedsan lahaa danta Guud ee Shacabka Gobalka, Ururkan oo Magaciisa Layidhaahdo (SRMovement) ayay xubna kayihin bulshada qaybaheeda Kaladuwan sida aqoon yahanka waxgaradka, Dhalinyarada, iyo Guud ahaanba Cidwalba oo danaynaysa Sidii  shacabka somaliyeed ee Dawlada Itoobiya Xooga kuhaysta looga saari lahaa dhibaada mudada 2 da qarni kudhaw haysata.

    Halkan Kadaawo Warsixafadeedka Ururka SRM uu Maanta Soosaaray

Ururka SRM ayaa waxa uu kashaqayn doonaa Isku xidhka Guud ahaanba dhalinyarada Degaanka ee danaynaya Inay Meel uga soo wada Jeedsadaan Cadaadiska iyo tacadiyada kooxda TPLF islamar ahaan taana daaha ka rogi doona Qorshe yaal cusub oo Gundhig unoqon doona sidii looga tashan lahaa ayaaha shacabka iyadoo sida uu Ururku cadeeyay aan loo eegaynin Siyaasada uu qofku aaminsan yahay.

Lasoco Barmaamujyo Xiisa iyo Qorshaha Guud ee Ururka oo aan Idiin soo Gudbin doono

Like it? Share it!

Leave A Response